CODEYN: Midke ayaad ubogtay Labadan Goos-goos?

CODEYN: Midke ayaad ubogtay Labadan Goos-goos?

Waxa bishii aan soo dhaafnay ee Febraayo soo baxay labo goos-goos oo hor maris ahaa amaba Teaser Trailer Sida aad hadba utaqaan waxaana sida aan mawduuca kusoo xusnay kala lahaa aflaamta kala ah DJ oo uu hogaamimayo xidiga caanka ah ee Allu Arjun iyo waliba filimka Katamarayudu oo uu hogaaminayo xidiga lagu magcaabo Pawan Kalyan waxaana maanta is bar-bar dhigi doono labadaas goos-goos anogoo kadib qiimeynta kasoo baxda idinkula wadaagi doona qeybta Natiijooyinka Codeynta.

Hadaan wax ka taabano labada goos-goos waxa xusid mudan in tageeraha xidiga Pawan Kalyan ay wacdaro aan inaba caadi ahayn kudhigeen Allu Arjun kadib markii ay 100 kun oo Dislike amaba suulka hoos ujeeda siiyeen goos-gooska aan soo sheegnay ee filimkiisa DJ ayagoo kajawaab bixinaya darenkooda ku aadan aflagadoyin hal sano kahor uu Allu Arjun u geystay xidiga Pawal Kaylan oo sida lasheego xifaaltan adag uu kadhaxeyo.

Goos-gooska kale ee Filimka Katamarayudu ayaa Likes badan iyo qiimeyn wanagsan wuxuu ka helay tageerihiisa waxaana sidaan soo sheegnay Fanproj ahaan qiimeyn doona bal sida aad idinkuna u aragtaan goos-goosyadan waxaanan idinka codsanayna in aad meel iska dhigtan xifaltanka kadhaxeya labada xidig oo aad kaliya qiimaysan muuqalada.

Hoos kadaawo goos-goosyada labada filim ee aan kor kusoo xusnay kadib codkaaga kudhiibo meesha laagu talo galay codeynta.

1.GOOS-GOOSKA FILIMKA KATAMARAYUDU

2.GOOS-GOOSKA FILIMKA DJ

[poller_master poll_id=”2″ extra_class=””]

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

*

Lost Password