Kaabil

Kaabil

6.1

User Avg

Kaabil
Kaabil

Waxaa uu filimkani kusocdaa qiso jacayl oo aad iyo aad u xiiso badan taas oo dhex maraysa laba ruux oo indhoole ah oo ku qanacsan kuna faraxsan xaladooda ilaa maalin maalamaha kamid ay kawajahayan mid kamid ah dhibatooyinka ugu Khatarsan ee ruux binu aadam ah wajaho.Dhibatadaas ayaa ku sababaysa in nin indhoole ama camoole ahaa ilaa yaraantiisii uu la dagaalamo cadowga jacaylkiisa kusoo duulay oo labadooda indhood qaba ilaa uu marka ugu danbeysa ka guuleysto dibna usoo hanto xaaskiisa ama jacaylkiisa.

filimka ayaa waxa wada daadihinaya jilaaga caanka ah ee Hirithik Roshan iyo xidigada Yami Guatam waxaana soo-saaray producer-ka weyn ee Rakesh Roshan oo sidoo kale ah aabaha dhalay Hrithik.Waxaa filimka hagge ka ah Director-ka weyn ee Sanjay Gupta.

Filimka ayaa waxa uu soo baxaya 26da bisha Janaayo ee sanadkan 2017, waxaana kujira 5 heesood oo aad u macaan oo kala ah:

  • Kaabil Hoon
  • Haseeno Ka Deewana
  • Kuch Din
  • Mon Amour
  • Kise Se Pyar Ho Jaye

Filimka ayaa waxaa dhanka Music ka caawiyey Rajesh Roshan oo sidoo kale la dhashay Producerka filimka Rakesh waxaa kaloo ayaguna doorkooda ka qaatey Jilayaasha kala ah Ronit Roy,Rohit Roy iyo Narendre Jha

Latest News

Filimka Kaabil ayaa Asbuucan laga daari doono dalka Pakistan

Filimka kaabil oo asbuuci ugudanbeyey saarna shaneemooyinka dalka India iyo qaar kamid ah kuwa caala...[Read More]

Lost Password