Naam Shabana

Naam Shabana

WATCH TRAILER
6.2

User Avg

Naam Shabana
Naam Shabana

Waa filim dhawaan soo bixi doona waxaana daadihinaya xidigada aadka looga daba dhacay ee Taapsee Pannu waxayna ku matalaysaa magaca Shabbana waxaana sidoo kale kujira filimka oo doorarkooda jilaanimo ka qaadanaya xidigaha caanka ah ee kala ah Akshay Kumar,  Anupam Kher iyo waliba jilayaal kale oo kale ah:

  • Prithviraj Sukumaran
  • Manoj Bajpayee
  • Danny Denzongpa
  • Madhurima Tuli 
  • Denzil Smith
  • Murali Sharma 
  • Elli Avram as (special appearance)
  • Taher Shabbir

Filimkaan ayaa kusocon doono sheeko aan inaba caadi ahayn taas oo ku salaysnaan doonta khiyaamo, jaajuusnimo iyo waliba xarakaad(Action) khatar ah waxaana sheekadiisa badankeed lagasoo alifay filimkii uu laha xidiga Akshay ee soo baxay horaantii sanadkii 2015 ee BABY ee uu sidoo kale kula jiray isla xidiga filimkana kula jira ee Anupan Kher.

Filimkaan ayaa waxaa sooo saaray Neeraj Pandey iyo waliba Shital Bhatia waxaana qoray sheekadiisa isla Neeraj Pandey waxa sidoo kale dhinca muusiga gacan ka geystay Rochak Kohli iyo Meet Bros waxaana dhanka Edit/hagaajinta u qaabilsanaa Deepak Seju.

Filimkaan ayaa waxaa kujira heeso gaaraya ilaa 4 heesood oo midba mida kale kamacaan tahay waxayna kala yihiin:

  • Rozana
  • Zinda
  • Zubi Zubi  
  • Baby Besharam

Lost Password