BOX OFFICE: Filimka Raabta iyo maalintiisi 2aad

Raabta

4.4

User Avg

BOX OFFICE: Filimka Raabta iyo maalintiisi 2aad

BOX OFFICE: Filimka Raabta iyo maalintiisi 2aad

Waxaa sidaan wada ognahayba shaneemooyinka India iyo qaar kamid ah kuwa caalamka saaran filimka ay daadihinayaan xidigaha quruxda badan ee Kriti Sanon iyo waliba Sushant Sing Rajput waxaana lasaaray maalintii Jumcaha ee dhamaadkii asbuuci hore waxaana sidan shalayba sheegnay uun filmku ku bilawday dakhli aad uxun wuxuuna ku guul dareystay in uu maalintiisi koowaad hantiyo qulubta tageero badan waxayna saadaashiisu ahayd hadii uu sidas kusii socdo oo uusan manta iyo maalinta soo socota sare ukac balaaran samayn uu ku danbeyn doono meel dhaqaale iyo kaalin ahaanba u wanagsanayn .

Si walbab ha ahaate filimka ayaa maanta soo xareeyey dakhli gaaraya ilaa 5.11 crores taaso micnaheedu yahay hoos ayuu usiii socda waayo wuxuu maalintiisi kowaad soo xareeyey 5.61 crores.

Raabta ayaan haysan fursado badan waxa kaliya oo uu hada kawar sugaana waa nasiibka waayo ma muuqato xamaasad iyo awood kusii haysa suuqa mana jiraan wax soo jiidaya daawadaasha waana arin layaab leh waayo dadkii daawaday filimka kama aysan soo sheegin sheeko xumo, walow laga dareemayey in aysan boqolkiiba boqol ku qanacsanayn joogitaankoda shaneemada

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

*

Lost Password