Filimka Dangal ee oo suuro gal kadhigay arin aad iyo aad muuhim ugu ah Amir Khan iyo taageerihiisa

Dangal

6.1

User Avg

Filimka Dangal ee oo suuro gal kadhigay arin aad iyo aad muuhim ugu ah Amir Khan iyo taageerihiisa

Filimka Dangal ee oo suuro gal kadhigay arin aad iyo aad muuhim ugu ah Amir Khan iyo taageerihiisa

Amir Khan ayaan sidaan wada ognahay wuxuu leeyahay dabeecad cajiib ah oo deganaan iyo saaxiibtinimo ku salaysan waxaana dadka yaqaana intooda badani ku tilmaaman ruux aan isla weynayn oo dadka qadariya waxaana arintaas markhaati nooga ah inteena aan aqoonta dheeraadka ah u lahayn Amir Khan guusha uu filimkiisa Dangal Ka gaaray dalka China oo xiliyadii ugu danbeeyey uu Amir ku maqna kuna mashquulsanaa.

Wararka qaar waxay tilmaaman in Amir looga yaqaan dalka China “Adeer Amir” ama “Adeer Khan” waxaana arintaasi noo muujinaysa heerka ay xurmada looga hayo dalkaasi gaadhay waxayna kaloo markhaati nooga tahay in uu xidigu ku sifaysan yahay tilmaamtii ay nasiiyeen dadka asaga aqoonta dheeraadka ah uleh.

Guusha aan arinta China u leedahay Amir Khan ayaa waxa tahay in xidigu ugu horeyn uu dadaal dheeraad ah gashay sidii filimkisa Dangal looga daari lahaa dalkaasi China maadaama oo taaageero aan inaba caadi ahayn uu ku leeyahay. Intaas kadibna uu sido kale dadaal dheeraad ah gashay sidii ilaa 7000 oo shaneemo oo dalkaas kuyaala looga daari lahaa filimkiisa halkaas uu dhigtay record maadama oo uusan wali filim Hindi ama Bollywood ah intaaso shaneemo ka helin dalkaasi China, warar qaar ayaaba sheegaya in xitaa uu Dangal jabiyey records uyaalay aflaam hollywood ah.

Arintaan ayaa muujisay awooda Amir Khan iyo taageeraha uu ku leeyahay dalka China waxaana hubaal ah oo usan Shaki kujirin in aflaamtiisa soo socota ay sidoo kale fursado waaweyn ka heli doonaan dalkaasi China.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

*

Lost Password