Filimka Jolly LLB 2 oo laga mamnuucay dalka Pakistan! Maxay tahay sababtu?

Jolly LLB 2

WATCH TRAILER
9.1

User Avg

Filimka Jolly LLB 2 oo laga mamnuucay dalka Pakistan! Maxay tahay sababtu?

Filimka Jolly LLB 2 oo laga mamnuucay dalka Pakistan! Maxay tahay sababtu?

Filimka Jolly LLB 2 ayaa jumcihii lasaaray shaneemooyinka dalka India iyo qaar kamid ah kuwa caalamka waxaana sida kamuqata maalmihiisa koowaad uu muujiyey saan saan wanagsan oo hadii uu sidaas kusii socdo la oran karo guul weyn ayuu ku danbeyn.Dhinaca kale filimka ayaa sida wararku kusoo baxayaan waxaa maanta laga mamnuucay gebi ahaanba shanemoyinka dalka Pakistaan.

Sababta ka danbeysa arintaan ayaa ah kadib markii uu guddiga tafaftirada aflaamta ee Pakistan uu sheegay in kiis kujira filimka uu sababay gooankooda ku aadan ka mamnuucida dalka Pakistan ee filimka Jolly LLB 2.Kiiskan ayaa ah mid  ku salaysan nin kamid ah ciidanka gobolka Kashmir kaas oo si sharci darro ah lagu dilay.

Gudiga tafaftirida aflaamta ee dalka Pakistan ayaa sheegay hada kahor in filim walba oo laguso qaado arin ku saabsan gobolka Kashmir aan loo ogolaan doonin shaneemoyinka dalkasi.

Waxaa dhinaca kale xusid mudan in filimka Raees laga joojiyey shaneemoyinka Pakistan kadib markii loo ogolaaday markii hore, Inkastoo sababta ay u joojiyeen ay tahay in filimku weerer kuyahay diinta islaamka aadna loo dhalecaynayo.

Madaxda Jolly LLB 2 ayaa wada tilaabooyin ay ku doonayaan in dib loogu ogolaado shanemoyinka dalka Pakistan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

*

Lost Password