Hrithik Roshan iyo Katrina Kaif oo dhawaan kasoo wada muuqan doona filim cusub

Hrithik Roshan iyo Katrina Kaif oo dhawaan kasoo wada muuqan doona filim cusub

Waxaa maalmihii ugu danbeeyey suuqyada India iyo dhaman goobaha madadalada lagu hadal hayey kasoo wada muuqasho ay xidigaha aan kor kusoo xusnay ee Katrina Kaif iyo Hrithik ugasoo wada muuqan doonan filimka soo-soocda ee uu haggaha caanka ah ee Kabir Khan uu ka dhawaajiyey, ayadoo maalmo kahor laga dhawaajiyey in qalanjooyin kale oo caan ah sida Deepika Padukone ay kula jiri doonto filimka Hrithik ayaa waxaa mooda in malihii uu isugu soo biyo shubtay xidiga Katrina.

Hrithik ayaa kujiritaankiisa filimkaan wuxu ku xiray shuruud aad iyo aad cajiib u ah asagoo sheegay in uu ogolaanayo jilista sheekada filimkaan hadii loo ogolaado in uu si xor ah usoo xusho qalanjada la daadihin doonta waxaana sida wararku kusoo baxayaan uu ku adkaysanaya ama afkiisa kusoo noqnoqday xidigada caanka ah ee Katrina Kaif.

Waxaa layaab leh sida ay arintaan ay isugu raaci doonan maadama oo Hrithik uu rabo in uu soo nooleeyo xiisihii lo qabey filimkiisa Ban Bang ee ay sidoo kale kula jidhay qalanjada uu hadana doonayo inay kalasoo muuqato filimkiisan cusub maadaama oo uu Kabir Khan uu doonayo wajiyo cusub oo aan horey laisugu arag sida Hrithik iyo Deepika oo kale waxaana xusid mudan  in boqolkiiba 60% oo tageeraha kamid ah ay doonayan wajiyo cusub sida labada aan soo sheegnay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

*

Lost Password