LAYAAB! Sawir laga qaaday fanaanka caanka ah ee Justin Bieber oo muujinaya in uu isku KAADIYEY!

LAYAAB! Sawir laga qaaday fanaanka caanka ah ee Justin Bieber oo muujinaya in uu isku KAADIYEY!

Fanaanka da’da yar ee Jsutin Bieber oo dhalashadiisa rasmiga ah ay tahay tahay Canada Popstar ayaa siweyn loogu hadal hayaa dhamaan baraha bulshada kadib markii maanta lasoo bandhigay sawir muujinaya fanaankan oo suweelkiisa qaybta hoose ay qoyan tahay.Waxana sida qof walba oo caqligusu shaqaynayo uu fahmaya arintas in uu isku kaadiyay si kas ah amaba ay kafakatay ama uu qoyaan kale soo garay

Sawirka ayaa muujinaya xidigan oo meel qado ah maraya asagoo sidoo kale cabitaan cabaya mooblkiisa gacantana isticmaalaya wuxuuna xaqiiqatan noqday sawirkaan mid si weyn loogu maadeesto maanta.

Justin ayaa kawar helay arintaan waqti dad badani ka doodayeen oo xaaladu ay meel xun maraysay wuxuuna sheegay in dhacdadani aysan sida dadka badankiis ufasirteen aysan ahayn asagoo sheegaya qaabka ay wax udhaceen wuxuu yiri “Waxaa xilli aan gaarigayga watay ka gudoomay mid kamid ah taagerahayga ubax aad iyo aad aan uga helay waxaana si kadis ah markaas iiigu daatay cabitaan aan gacanta ku haystay kaas oo sababay in qeybtayda hoose ee surweelku u ekaato mid qoyan,waxaana isla markaas aan gaariga kasoo dagay sawiradan iga qaaday sidaan filayo qof ka ag dhawa goobta.”

Lakiin waxaa layaab noqotay sida uu udareemu waayey amaba u arki waayey isla markaasna wax uga qaban waayey xaaladaas kaarahiyada ah ee kutimid.Inkastoo uusan ka hadlin sababtaa uu wax uga qaban waayey hadana waxaa qeyb weyn oo dadka arkay sawirkaan oo xita tageerihiisu kamid yihiin iska dhaadhiciyeen in uu sida uu sheegay aysan ahayn xaaladu balse wax kale jiraan.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

*

Lost Password