Malaga yaaba in Sidharth Malhotra uu noqdo soo-saare? Sideese u arkaa asagu? Halkan ka ogow jawabaha

Malaga yaaba in Sidharth Malhotra uu noqdo soo-saare? Sideese u arkaa asagu? Halkan ka ogow jawabaha

Xidigada aadka looga daba dhacay ee Sidharth Malhotra ayaa mar la weydiiyey fikirkiisa ku aadan in uu noqdo soo-saare amaba in uu noqdo director hagga aflaamta bollywoodka waxa uuna sheegay in uusan hada lahayn wax qorshe ah oo ku aadan arimahaas sidoo kalena uu aad iyo aad ugu  qanacsan yahay doorarka uu ka helo aflaamtaiisa.

Xidiga ayaa shalay waxaa lagu arkayey xafladii abaal marinta ee HT amaba Hindustani Times Style Awards waxaana saxaafadu ay weydiisay arimo faro badan oo ay kamid yihiin xidigihii markaas ugu styleka qurxoona ee uu meesha ku arkay wuxuuna sheegay in uu aad iyo aad ugu bogey Styleka qalanjada caanka ah ee Anusha Sharma iyo waliba xidiga aad wada garaneysaan ee Saif Ali Khan wuxuuna kaloo sheegay in uu aad iyo ugu bogey filimka cusub ee xidigada Anushka ee lagu magacabo Phillauri asago sidoo kale umahad celiyey madaxda filimkaas.

Dhinaca kale xidiga ayaa dhankiisa  sanadkaan soo wada labo filim oo midka soo horeeya uu jilitaankiisu socdo hada waxaana lagu magaacbaa Ittefaq waxaana sidaan horey idinkuu soo sheegnayba lagasoo matalay ama uu yahay dib usoo nooleyntii filim horaantii sanadkii 1969 la jilay waxaana la daadihin doonta quruxleyda caanka ah ee Sonakshi Sinha

Xidiga ayaa sidoo kale sheegay in uu soo wado filim aan inaba caadi ahayn oo lagu magacaabo “Reload” kaas oo soo bxi doona bisha August ee sanadkaan sidoo kalena bilaha soo-socda uu soo bixi doono goos-gooskiisu.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

*

Lost Password