MAXA KAJIRA?: In Salman Khan uu kasoo muuqan doono filimka Taariikh nololeedka Sanjay Dutt?

MAXA KAJIRA?: In Salman Khan uu kasoo muuqan doono filimka Taariikh nololeedka Sanjay Dutt?

Waxaa waqtiyadii ugu danbeeyey haystay badankood baraha bulshada iyo goobaha madadaladaba in xidiga magaca weyn kuleh bollywoodka ee Salman Khan uu kasoo muuqan doono filimka uu daadihin doono xidiga da’da yar ee Ranbir Kapoor ee sidoo kale looga hadli doono amaba kusocon doona taariikh nololeedka xidiga weyn ee Sanjay Dutt waxaana xusid mudan in wararkaas aan laga maqal labada jilaa midnaba ilaa maanta oo ay taariikhdu tahay 23dii bisha April uu saxaafada waraysi siiyey Sanjay Dutt asagoo sheegay in xaqiiqada dhabta ee ku aadan wararkaan.

Xidiga ayaa laweydiiyey xaqiiqo ahaanshaha warar sheegayey in uu shakhsiyan ula xiriiray Salman Khan ugana codsaday in uu kasoo qeyb qaato filimkaan wuxuuna yiri “Uma malaynayo in filimkan uu ubaahan jilayaasha laisla dhex marayo” waxaana halkaas ka cadaatay in wararkaasi ay ahaayeen waxba kama jiraan xidiga Salman Khan-na uusan kasoo muuqan doonin maadama oo aan loogaba baahnayn jilayaal noocisa ah waa sida uu Sanjay u dhigaye.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

*

Lost Password