Maxaad Kala Socotaa In Karan Johar Uu U Muuqdo Mid Geeska Ku Feeraya Xidigadda Aishwarya Rai.

Maxaad Kala Socotaa In Karan Johar Uu U Muuqdo Mid Geeska Ku Feeraya Xidigadda Aishwarya Rai.

Aishwarya Rai Iyo Karan Johar Waxay Ahaayeen Saaxiibbo Aad Isugu Dhow Muddo Sanooyin Badan Ah, Laakiin Hadda Waxay U Muuqataa Inaysan Sidoodii Isu Ahayn. Waxaa Mooddaa In Midkoodbba Ka Kale Is Dhaaf Dhaafinayo Oo Aysan Doonayn Inay Is Arkaanbba. Xano Hoose Ayaa Oranaya In Isku Dhacoodu Uu Ka Bilowday Markii Xayeysiisyada Loo Samaynayey Ae Dil Hai Mushkil. Anushka Waxay Mashquul Ku Ahayd Mashaariic Iyo Hawlo Kale Markii Promotionsku Bilowdeen Sidaa Darteed Kooxda Kulamay Jaan Qaadi Karin Meel Kastooy Cag Dhigaan Badanaana Way Ka Maqanayd. Karan Kuma Uusan Faraxsanayn In Aish Kaliya Ay Filmka Xayeysiiska U Samayso Ayadoo Anushka Maqan Tahay. Sababta Uusan Aish U Jeclaysan Karan Ayaa Lagu Sheegay Inuusan Doonayn In Daawadayaasha Ay U Muuqato Qofta Ugu Sidata Meesha Inay Ayada Tahay Maaddaamoo Anushka Aysan Goob Joog Ahayn.

Maaha Kaliya Ae Dil Hai Mushkil Balse Waxaa Jirta In KJo Uu Film Kale U Soo Bandhigay Aish Balse Ay Ku Gacan Saydhay Gebi Ahaanna Ay Diiddoo Garabka Ku Dhufatay Ka Qayb Qaadashada Filmkaas Karan. Waxaa Jirta Oo Kale In Karan Aan Lagu Arag Amaba La Oran Karayo Inuusan Soo Xaadirin Duugtii Aish Aabbeheed Kaasoo Asbbuucii Hore Geeriyooday, Qof Kastoo B-Town Ka Midana Uu Ka Qayb Qaatay Duugtaas Karan Johar Maahee.

Suaasha Meesha Taal Ayaa Ah Karan Johar Iyo Aishwarya Ma Hagaajin Doonaan Xurggufta Dhex Taal Mise Karan Sidii Kajol Oo Kaluu Ayana Dhabarka U Jeedin Doonaa.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

*

Lost Password