Maxad kala socotaa 5tii Mawduuc ee loogu hadal hayska badnaa Konfurta India Asbuuci lasoo dhafay

Maxad kala socotaa 5tii Mawduuc ee loogu hadal hayska badnaa Konfurta India Asbuuci lasoo dhafay

Asbuuci lasoo dhaafay ayaa ahaa mid intii lagu gudo jiray ay dhaceen waxyaabo faro oo aad loola yaabay kuwaas oo dhinacyo badan oo nolosha ah taabaayey.Hadaynu sii kooban uga hadalno qaar kamid ah kuwii loogu hadal hayska iyo xiisaynta badana arimahaas anago tixgalin gaar ah siinayna kuwooda madadalada la xiriiira ayaan soo qadanay 5ta qodob ee hoos ku xusan:

1.Tartankii udhexeeyey aflaamta kala ah Raees iyo KaabilWaxaa asbuuci lasoo dhaafay lasaaray shaneemooyinka dalka India iyo qar kamid ah kuwa caalamka aflaamta kala ah Kaabil iyo Raees waxaana sida aad badankiin lasocotaan dhex maray tartan aad iyo aad u xamaasad badan oo ila maalinta an joogno socda waxaana aflaamtan kala hogaaminaya xidigaha aadka looga taageero bollywoodka ee Shahrukhan iyo Hrithik Roshan.

2.Arooskii xidigaha Samantha Ruth iyo Naga Chaitanya: Taariikhdu markay ahayd 29kii bishii hore ee janaayo ayaa waxa is guursadey labo kamid ah jilayaasha loogu jecel yahay Tollywoodka kuwaas oo kala xidigadaSamantha Ruth iyo xidiga Naga Chaitanya.Arooska ayaa aha mid si weyn aad iyo aad u qurux badan loo agaasimey waxaana u badna dadkii lagu casuumay qaraabada iyo asxaabta labada xidig oo jilayaasha Tollywood ugu badnayeen.Samantha ayaa xirneyd saari midabkiisu yahay cadaan qeybna ka ah dahab kasoo soo jiitay indhaha dhaman kaso qeyb galayshi xafalada arooska dhinaca Naga ayaa waxa uu ku labisnaa Suud midankiisu yahay buluug madow xigeen ah.

3.Sawirka ugu horeyey ee lagaso saaro filimka Vivegam: Taariikhdu markay ahayd 2dii bishan Febraayo ayey madaxda filimka Vivegam horeyna usoo saaray Thala57 waxay soo saareen Sawirka ugu horeeyey ee filimka Vivegam waxayna kaga yaabsaden dhamanaa tageerohooda murqaha xidiga Ajith Kumar maadama oo aysan weli shaati la’aan ku arag xidiga.Sawirka ayaa si weyn ugu shac baxay barta twitterka walow ay jireen dad lahaa waxaa lagu hagajiyey sawirka waxay shegeen madaxda filimku in uu dadaal adag ugalay Ajith badalida jirkiisa wararkasina yihiin borobogando iyo waxba kama jiraan.

4.Filimka Director Dulquer ee uu wado jilaga Amal Neerad: Filimkaan oo si weyn loo sugayey xogtiisa ayaa asbuuci hore la shaaciyey magaciisa waxayna sheegen madaxda filimku in uu magacisu yahay Comrade In America waxaynoo sidoo kale isla asbuuuci hore shaaciyeen sawirka/posterka filimka ayagoo sheegay in ay kusoo biri doonto filimka xidigada Karthika Muralidharan.

5.Heesta Azhagiye ee lagasoo bandhigay filimka uu wado Aditya Roa: Muuqaalka Aditya Roa ee heestaan ayaa soo jiitey indhaha tageero badan waxayna heestani kujidhaa filimka aad u xiisaha badan ee uu wado xidiga Aditya Roa ee An Unconventional Love Story.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

*

Lost Password