Ogow sababta ku kaliftay Ranbir Kapoor in uu si joogto ula cabo Sanjay Dutt khamriga

Ogow sababta ku kaliftay Ranbir Kapoor in uu si joogto ula cabo Sanjay Dutt khamriga

Ranbir kapoor ayaa lasoo baxay muuqaal aan inaba caadi ahayn oo sidoo kalena aad ugu eg sanjay dutt, isagoo sidaan soo sheegnay ku gudo jiray duubista filim uu director-ka kayahay Rajkumar Hirani,wuxuuna filimku kahadli doonaa nolosha atooraha magaca weyn kuleh bollywoodka ee sanjay Dutt.

Hase ahaate Sanjey Dutt ayaan ku qancin markii in Ranbir kapoor uu duubo filimkan oo ah mid looga hadlayo noloshiisa, waxuuna sidaas awgeed casuumaad u sameeyey Ranbir sii ugala hadlo arimo quseeya filimkan taariikhda noloshiisa quseeya waxayna kulmeen bishii December ee sanadkii 2016.

Dutt ayaa ku marti qaaday guriisa Ranbiir kapoor iyo asxaabkale isagoo khamri cabsan kadibna afka furtay oo yiri ” Ranbir kapoor ma ahan mid ka run sheegi kara filimka noloshayda waayo waa wiil jiljilcan oo aan marna dhibaato nololeed lasoo kulmin!!”

Balse hadalka Sanjay ayaan habayaraate wax saamayn ah kuyeelan ranbir isagoona kadhigtay dhiiri galin, ranbiir ayaa lasoo baxay murqo ku filan isagoo miisaanka jirkiisa ku daray 10-13 kiilo.

Ranbiir kapoor ayaa sidoo kalana bilaabay inuu habeen walbo kulan joogto ah laqaato Sanjey dutt isagoo khamrada lacaba, kalana sheekaysto arimo badan isagoo kalsooni uga raadinaya Sanjay Dutt.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

*

Lost Password