RASMI: Director Kabir Khan oo xaqiijiyey in Goos-gooska filimka Tubelight uu dhawaan soo bixi doono

RASMI: Director Kabir Khan oo xaqiijiyey in Goos-gooska filimka Tubelight uu dhawaan soo bixi doono

Haggaha filimka aad wada garaneysaan ee “Bajrangi Bhaijaan” Kabir Khan ayaa sheegay in ay aad iyo aad ugu mashquulsan yihin asaga iyo dhamaan kooxda filimka Tubelight hawlaha hagaajinta iyo edit-gareynta filimka wuxuuna kaloo intaas raaciyey in ay dhawaan kudhawaaqi doonan waqtiga rasmiga ee goos-gooska filimka.

Dhinaca kale Kabir Khan iyo Salman Khan ayaa waxaa kadhaxeysa taariikh fiican maadama oo uu Kabir hagge ka ahaa aflaam badan oo uu xidigani daadihinaya waxaa kamid ah filimka aad wada dawateen ee Ek Ta Tiger oo sidoo kale dhawaan xalqadiisa labaad lasoo jili doono.Xalqadaan cusub ee filimka Ek Ta Tiger ayaa lagu magcaabi doonaa Tiger Zinda Hai waxaana sidii awalba kula jiri doonta qalanjada ay xiriirka jacaylka wadaagi jireen Salman ee Katrina Kaif waxaana sidaan idiin soo sheegnayba uu filimkani xooga saari doona arimaha siyaasada taas oo micnaheedu yahay jacaylka iyo shactiradu waa ku yaraan doonta.

Tiger Zinda hai ayaa waxaa hagge ka ahaan doona directorkii filimka aad wada garaneysaan ee Sultan waxaana sidoo kale uu soo bixi doona dhamaadka sanadkaan gaar ahaan taariikhdu markay ku beegan tahay xilliga loo yaqaano Christmaska.Filimka Tubelighta ayaa kasoo hor mari kaas oo la filayo in uu soo bixi doono taariikhdu markay ku beegan tahay xilliga Eida Islaamka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

*

Lost Password