RASMI: Muxuu sameeyey Arjun Rampal xilli uu xanaqiisa xakamayn waayey?- Ka ogow halkan

RASMI: Muxuu sameeyey Arjun Rampal xilli uu xanaqiisa xakamayn waayey?- Ka ogow halkan

Jilaaga caanka ah aadkana looga xiiseeyo soomalida dhexdeeda laguna bartay doorarkiisa aan qosolka ahayn ee xanaqa iyo burcadnimada kudhisan ayaa waxaad mooda in arintaasi ay gebi ahaanba badashey dabeecadiisi binu aadantinimo waxaana xusid mudan in uusan jilaagu sanadihi xiliyadii ugu danbeysay uusan kasoo muuqan wax filim ah lagana yaabo sababtu inay tahay mida xalay uu dhacday oo kale ee uu xanaaqiisa ku xakamayn waayey.

Xidiga ayaa ayaa markay saacadu ku beegnay 3:30 habeenimo ee xalay waxaa asago hotel 5 star ah kasoo baxay soo abaaray koox tageerayaal ah waxaana koxdaas kamid ahaa weriye aan wali la shaacin TV-ga amaba shabakada uu kasocday waxaana sida uusheegay uu isku dayey in uu Arjun sawiro ka qaado isla markaasna uu muuqal kaduubo waxaana isla markiiba gacan qaad bilaabay Arjun oo ugu horeyn ka qaaday kaamiradii uu suxufigu wax ku duubayey dulkana kudhuftay kadibna wuxuuba bilaabay in uu garaaco yarkii/suxufigii asagoo gaarsiiyey heer uu dhanka sanka dhaawac halis ah ka gaarsiiyey lana dhigay isbitaalka.

Arjun ayaa saaka kawar helay waraaq uga timid dhanka maxkamada taas oo sheegaysa in uusan kabixin wadanka sidoo kalena waxaad sida aad hoos ku aragtaanba goor dhawayd helnay sawirka weriyihii xalay dhibka loo geystay oo run ahaantii dhawac khatar ah loo geystay, lama hubo ilaa hada in dagaalkani uu ahaa caro bur bur oo Arjun kula dhacay wiilkan da’da iyo in wiilka laftirkiisu uusan dhib yarayn oo uu hadalo amaba suualo khaldan weydiiyey jilaaga.

HOOS KA ARAG SAWIRADA:

Xaalada Weriyaha

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

*

Lost Password