TOP 5: Maxaad kala socota 5tii arimood ee loogu hadal hayska badna asbuuci lasoo dhafay?

TOP 5: Maxaad kala socota 5tii arimood ee loogu hadal hayska badna asbuuci lasoo dhafay?

Asbuuci lasoo dhaafay ayaa ahaa mid xiisihiisa iyo xamaasadiisa wata waxaana badankood goobaha madadaalada lagu hadal hayey 5ta qodob ee aan maanta hoos idinku hayno oo kamid yihiin soo bixitaanka filimka Raabta iyo waliba shaacinta magaca rasmiga ah ee filimkii mudada dheer ay taageerihiisu sugayen in loo bixiyo magacyadii kala ah The Ring, Rehmuna iyo waliba Reula oo loo bixinyey magac aan halmarna xita kusoo dhicin niyadooda.

Waxaan kaloo idinku hayna Ranbir Kapoor iyo Katrina Kaif oo markii ugu horeysay kadib kala tagoodi ama burburkii xirirkooda jacayk si wada jir ah u xayeysiinaya filimkooda Jagga Jasoos iyo wixii kadhacay goobtii ay ku horumarinayeen filimkooda iyo waliba qaar kaloo badan.

Hoos uga bogo 5tii qodob ee loogu hadal hayska badanaa bollywoodka asbuuci hore:

1.Filimka Shahrukhan iyo Anushka Sharma oo loo bixiyey magac cusub: Sida aan kor kusoo sheegnayba filimka ayaa sameyntiisa la bilabay ayadoon magac loo bixin waxaana kadib markii la dhamastiray badankood jilistii muqaladiisa madaxdu goaansadeen inay shaaciyaan magaciisa intaan gebi ahaanba laga xiiso dhicin waxayna ubixyeen magaca ah  Jab Harry Met Sejal waxayna noqotay arintaan mid aad iyo aad laiskula dhexmaray maadama oo badankood tageeruhu ay sugayeen magacyada kala ah The Ring, Rehmuna iyo Reula balse Shahrukhan ayaa niyada ugu dajiyey taagerihiisa in magacyadaas ay kujiri doonan filimka balse aysan ahaan doonin magaciisa.

2.Ranbir Kapoor iyo Katrina Kaif oo wada xayeysiiyey filimkooda Jagga Jasoos: Sida aan badan badankeen ognahayba labadan jilaa ayaa wadagi jiray xirir jacyl mudo sanad iyo xooga ah waxaana taageeruhu xita sugayeen in ay ku dhawaqaan xiliga guurkooda balse waxaa yimid meeshi calaf oo xirirkooda nasiib uma uusan yeelan in uu lugihiisa kusii taagnaado, si walbab ha ahaate waxaan asbuuci hore aragnay labadan jilaa oo marki ugu horeysay kadib burburkii xirirkooda ayagoo is garab fadhiya oo wada xayeysinaya filimkooda balse waa awoodi kari waayeen in ay si dhaba u muujiyaan in ay ku faraxsan yihiin wada shaqeyntooda is ag fadhigooda waxana taas dadliil u ahayd qaabkii ay uwada hadlayeen iyo sidii aysan isku eegayn ee ay isku khaafkhaafinayeen.

3.Amir Khan oo mar sadexad la shaqeyn doona xidigada Fatima Sana Shaikh: Xidigad aadka looga taageero bollywoodka ee Amir Khan ayaa lagu yaqaan dabeecad cajiib ah taaso ah in uusan atiriishooyinka kusoo noqnoqon oo tii uu mar lajilo filim uusan ama kuso laban ama mudo dheer kadib uu kuusoo laabta balse waxaad mooda in xidigada quruxda badan ee Fatima Sana Shaikh ay badashay fikirkiisa maadama oo hal sano kudaheed doonayo in uu markii sadexaad lashaqeeyo waxayan arintaani noqotay mid si weyn loo hadal hayey guud ahaan asbuci hore.

4.Disha Patani oo jacaylkeeda Tiger Shroff filim lasoo jili doonta: Labadan ee xiriirka jacayl kadhaxeeyo ayaan in mudo helin fursad ay iskula soo jilaan filim waxaana asbuuci lasoo dhaafay si rasmi ah loo shaacyey in  ay wada daadihin doonan filimka jacaylka ah ee Baaghi 2 waxayna noqotay arintaani mid si weyn loogu farxay loona hadal hayey maadama oo Tiger iyo Disha yihiin lamaane aad iyo aad isugu nuuraya.

5.Aflaamta kala ah Raabta iyo Bahen Hogi oo ku bilawday dakhli yar: Waxaa jumcihii shaneemooyinka lasaaray aflaamta aan soo xunay waxaana sidaan qoraaladeeni horeba ku muujinay ay labaduba ku guul dareysteen in ay soo jiitaan taageero faro badan oo lacagtooda uhura sheekadooda waxayan sidaas awgeed soo xareeyeen dakhliga kala ah Raabta: 5.61 cr iyp Bahen Hogi: RS 25 lakh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

*

Lost Password