WOW! Shahrukhan oo uga hambalyeeyey Karan Johar Aabenimadiisa–Muxuu yiri tolow

WOW! Shahrukhan oo uga hambalyeeyey Karan Johar Aabenimadiisa–Muxuu yiri tolow

So-saaraha caanka ah ee Karan Johar ayaa shalay sheegay oo shaaca ka qaaday in uu yahay aabaha labo ilmood oo mataano ah oo kala ah will iyo gabar kuwaas oo uu kala bixiyey Yash(wiilka) iyo waliba Roohi(gabadha) waxaa ilaa shalay haystay dhamaan baraha bulshada hambalyada xidigan waxaana barta twitterka lagu arkayey soo-saarayaal,jilyaal iyo waliba shacab kale oo magac kuleh India iyo guud ahaaan caalamka oo hambalyo kal iyo laab ah udiraya soo-saaraha.

Si walbaba ha ahaatee waxaa kamid ahaa jilayaashi manta sida puplic-ga ah ugu hambalyeeyey soo-saare Karan Johar xidiga ay saaxibada qaaliga ah yihiin ee Shahrukhan kaas oo mar uu joogay xafladii Mijwan Show sheegay in uu aad iyo aad iyo ugu faraxsan yahay tilaabadan uu qaaday soo-saarihiisa iyo waliba saaxiibkiisa qaaliga ah ee Karan, waxana kamid ahaa hadaladiisi “Run ahaantii waxan arkayey dad badan oo dacaayad usoo jeedinaya Kara, waxaan kula talin lahaa inay xalada dajiyaan arintani waa arin shakhsiyadeed waana go’aan uu qaatay soo-sareheena Karan,aad baan ugu faraxsanahay anigu run ahantii wanan uga hambalyeynaya matanaha udhashay Karan lakiin wali waa arin gaar u ah asaga waxayna mudan tahay in halkaas loga haro”

Shahrukhan ayaa kamid ah asaguna jilayaasha nidaamka bacriminta maray waxaana xusid mudan in willkiisa Abram uu sidaas oo kale kudhashay.Hadaan Nidaamak bacriminta idiin taabto waa in Biyaha labka amaba aabaha iyo kuwa hooyada lagu beero uurka hooyo kale halkaasna uu ku beermo ilmo.

Hadaba SRK oo ka qayb galaayay bandhiga Fashion-ka Mijwan Summer 2017 ayaa wax laga weydiiyay aqbaarta ku aadaan saaxiibkiis Karan Johar inuu aabo noqday.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

*

Lost Password