WOW! Varun Dhawan oo sheegay inuu umalaynayo in Ranveer Singh Damacsan yahay guur–Ogow Sababta?

WOW! Varun Dhawan oo sheegay inuu umalaynayo in Ranveer Singh Damacsan yahay guur–Ogow Sababta?

Waxaa jira jilayaal faro badan oo da’ yar sidoo kalena magac kuleh bollywoodka iyo waliba guud ahaan caalamka kuwaas oo markii la fiirsho la oran karo waxa taagan yihiin da’dii ugu wanagsanayd ee lagu guursan jiray hadaan tusaale dhawr xidig usoo qaadano waxaa kamid ah Ranveer Singh, Ranbir Kapoor, Sidharth Malhotra, Arjun Kapoor, Tiger Shroff iyo waliba Sushant Singh Rajput waxay dhamaan jilayashani kasiman yihiin in ay yihiin Singles amaba rag aan xaasas lahayn.

Xidiga Filimka Badrinath Ki Dulhania ayaa kamid ah jilayaasha dhawrka ah ee sida weyn loogu hadal hayo bollywoodka markay timaado xaga quruxda iyo soo jidashada hablaha waxaana marar badan suuqyada India lasoo gashay in uu markaas dhawaan damacsan yahay arimo guur waxaana xusid mudan in uu asaguna marar badan si cad uga jawaabay wararkaas asago warbixintiisi ugu danbeysay ee uu arintaas uga hadlo kusheegay in uusan sanadkan wax guur layiraahdo afarihiis kujirin CAJIIB!

Si walbaba ha ahaate jilaaga ayaa mar uu waraysi siiyey wargeyska caanka ee Bombay Times waxaa laweydiiyey arimo dhawr ah kuwaas oo quseeya noloshiisa waxaana ugu muhiimsana mar laweydiiyey arimihiisa guurka wuxuuna sheegay in uu jecel yahay in uu guursado asagoo sidoo kale ka dhawajiyey in uu aad iyo aad u jecel yahay in caruur dhalo oo aabe noqdo lakiin nasiib xumo ma uusan cayimin wax waqti ah.Waxaa intaas kadib laweydiiyey suaal ahayd “Yaad is leedahay wuu hor guursanaya jilyasha kala ah Ranbir Kapoor, Ranveer Singh, Arjun Kapoor iyo Sidharth Malhotra maxayse tahay sababtu?” Wuxuuna ku jawaabay waxaan u malaynaya in uu Ranveer Singh hor mari doono sababtoo ah (asagoo qoslaya) dadka bashaashnimada iyo saqajanimda isku darsada aya mar walba arimahan ku hor mara.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

*

Lost Password