ZEE CINE AWRDS: WOW! Inaba caadi ma ahan qoob-kaciyaarka Salman Khan uu ku furay xaflada

ZEE CINE AWRDS: WOW! Inaba caadi ma ahan qoob-kaciyaarka Salman Khan uu ku furay xaflada

Xidiga aadka looga tageero bollywoodka ee Salma Khan oo marti khaas ka ahaa xaflada ayaa billawgii kusoo galay qoob-kaciyaar aan inaba caadi ahayn wuxuuna sidaan horey idinku sheegnayba uu ku ciyaaray heeso kujira filimkiisa sida weyn ugadmay ee Sultan.

Waxaa halmar ah isbadelay jawigii meesha markii uu soo galay xidigu waxana muuqatay in dawadayaashu ay aad iyo aad usugayeen qoob-kaciyaarka amaba Dance-ga xidiga wuxuuna Salman sida ka muuqatay soo bandhigay mid u qalanta dareenkii ay dadku siyeen markuu soo fuulay masraxa.

Waxaa sidoo kale kamid ahaa heesihii uu ku qoob-kaciyaray xidigu heesta Hangover ee filimkiisa caanka ah ee Kick waxaana arinta dadka kasii farxisay ay ahayd markii uu xidigu ku luuqeyey qaar kamid ah ereyada heesta asagoo aan waxa musiga istacmaalin waxaana sidoo halmar ah sacab iyo mashxarad ugu jawaab celiyey tageerihiisa iyo dhaman dawadayashii meesha joogay.

Dhinca kale xidiga ayaa soo wada filimkisa uu haggaha kayahay  Ali Abbas Zafar ee Tiger Zinda Hai waxayna jilistiisu bilaaban doonta ka bishaan Marso waxaana kula jiri doonta saxiibadiisi hore ee Katrina Kaif waxaana sidoo kale uu soo bixi doonaa bisha December ee sanadkan lakiin waxaa kasoo hor mari  doona filimkiisa Tubelight oo soo bixi doona Eida Muslimiinta ee  sanadkan waxayna tageerhiisu si weyn uwada sugayam labadan filim.

DAAWO SAWIRADA:

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

*

Lost Password