Laali Ki Shaadi Mein Laddoo Deewana

Laali Ki Shaadi Mein Laddoo Deewana

WATCH TRAILER
8.1

User Avg

Laali Ki Shaadi Mein Laddoo Deewana
Laali Ki Shaadi Mein Laddoo Deewana

Waa filim dhawaan soo bixi doona waxaanan  wada daadihinaya xidigaha kala ah Vivaan Shah, Akshara Haasan, Gurmeet Choudhary iyo waliba Kavitta verma oo si talantaali ah doorarka ugu muhiimsan iskula wadi doona.

Filimka ayaa kusocda sheeko aan inaba caadi ahayn oo aad iyo aad uxiiiso badan taas oo kusocon doonta sheeko ku salaysan qoys taajiriin ah oo qof walba oo kamid ahi uu xaalado aad iyo aad isugu dhex qasan wajihi doono.Filimka ayaa loogu si gaar ah loogu talo galay in lagu madadaaliyo qoysaska nooc waliba oo ay yihiin wuxuuna intiisa badani ahaan doona mid shactiro ah walow ay qaybaha danbe isku badali doonaan Romace iyo sheeko jacayl aan inaba caadi ahayn.

Filimka ayaa waxaa soo-saaray TP Aggarwal iyo waliba Rahul Aggarwal waxaana qoray sheekadiisa Manish Harishankar sidoo kalena waxaa dhinaca muusiga gacan ka geystay Vipin Patwa, Revant Siddharth iyo waliba Arko waxaana qeybta Edit/hagaajinta u qaabilsanaa Steven Bernard.

Filimka ayaa waxaa kujiri doona heeso gaaraya ilaa 5 heesood oo midba mid kamcaan tahay waxayna kala yihiin:

  • Laali Ki Shaadi
  • Bezubaan Rishta
  • Rog Jaane
  • Mano Ya Na Mano
  • Naino Ke Pokhar

Waxaa dhinaca doorarka ayaguna ka qaadanaya dhankoda xidigaha kala ah:

  • Saurabh Shukla
  • Sanjay Mishra
  • Darshan Jariwala
  • Ravi Kishan
  • Suhasini Mulay
  • Navni Parihar
  • Kishori Shahane
  • Jyoti Kalash
  • Ehshan Khan

Latest News

+SAWIRO: Maxaad kala socotaa kulankii dhexmaray Salman Khan iyo Kareena Kapoor oo 9jir ah

Xidiga aadka looga daba dhacay ee Salman Khan ayaa sheegay in ay kulmeen xidigada aadka looga daba d...[Read More]

HEESTA ASBUCA: Inaba caadi ma ahan heesta Radha ee filimka “Jab Harry Met Sejal”

Filimka Jab Harry Met Sejal ayaa ah mid taageeraha xidigaha jilaya ay aad iyo aad u sugayaan waxaana...[Read More]

Sidharth Malhotra iyo Manoj Bjpayee oo gudo galay jilista filimkooda Aiyaary

Xidigaha caanka ah ee Sidharth iyo Manoj bajpayee ayaa sida aan wararka kuhelayno gudo galay jilista...[Read More]

Filimka Salman Khan ee Tubelight oo ku guul daraystay in uu kahelo guddiga CBFC shahaadadiisa waqtiyeynta

Filimka Tubelight ayaa ah mid si weyn loo sugayo waxaanan  maanta kusoo dhacaya dhamaan taageeraha s...[Read More]