Alia Bhatt Oo Filmka Thugs Of Hindustan Kala Qayb Qaadan Doonta Aamir Khan Iyo Amitabh Bachchan.

Alia Bhatt Oo Filmka Thugs Of Hindustan Kala Qayb Qaadan Doonta Aamir Khan Iyo Amitabh Bachchan.

Aamir Khan Waxaa La Filayaa In Lagu Arko Filmka Soo Socda Ee Ay Leeyihiin Yash Raj Films Laguna Magacaabo Thugs Of Hindustan. Filmka Asagoo Muddo Qaadan Doona Uu Kusoo Fuulo Shaashadaha Ayaa Haddana Aamir Khan Mashquul Ku Yahay Raadinta Xiddigtii Filmka La Matali Lahayd.Waxaa Jiray Warar Sheegaya In Xiddigtii Dangal Kula Jirtay Booskaan Lagu Qalqaalinayo Balse Waxaan Haatan Maqlaynnaa In Aamir Uu Booskaas La Doonayo Xiddigta Da’da Yar Ee Alia Bhatt.
Thugs Of Hindustan Waxaa Qayb Ka Qaadan Doona Amitabh Bachchan Oo Aamir Kala Soo Muuqanaya Filmka, arrintaan Ayaa Hadal Haynteedu Aad U Badnnayd Tan Iyo Carrabbaabistii Magaca Amitabh Bachchan. Sida Qorshuhu Ahaa Filmka Waxaa Jili Lahaa Hrithik Roshan Laakiin Waxaa Lagu Baddalay Aamir Khan. Alia Bhatt Ayaa Ku Jirta Gabdhaha Isha Lagu Hayo Inay Gali Doonaan Filmka YRF Ee Soo Socda Aamirna Laso Safan Doonta. Warar Ayaa Sheegaya In Aamir Uu Aad Ula Dhacsan Yahay Alia Rabona In Halkaas Ay Gasho. Haddii Alia Filmkaas Aqbbasho Waxay Noqon Doontaa Markii U Horraysoo Ay Film U Samayso Shirkadda YRF.

Habllaha Kaloo Aan Meesha Ka Marnnayn Ayaa Waxaa Ka Mida Vaani Kapoor Iyo Shraddha Kapoor. Vaani Kapoor Ayaa La Sheegayey Ayaantan Inay Isu Diyaarinayso Filmkeeda Soo Fool-leh, Tolow Ma Thugs Baa?? Wakhtigaa Sheegi Doona. Dhanka Kalena Waxaa La Arkayey Shraddha Kapoor Oo Booqanaysa Xafiiska YRF. Taasi Waa Saadaal Wanaagsan Haddii Shraddha Iyo YRF Mar Kale Gacmaha Is Qabsadaan Ayagoon Wada Shaqayn Muddo Ku Siman 5 Sano Iyo Bar.

Saadaasha Dhanka Fatima Ee Doorkaas Ayaa Ah Mid Aan Sii Qoto Dheerayn. Waxaa La Arkayey Ayadoo Aamir La Joogta Taasoo Dad Badani U Fasirteen Inay Filmka U Diyaar Garoobayeen.

Thugs Of Hindustan Waxaa Director Ka Ah Krishna Acharya, Diwaliga sanadka dambe  Ayaana Laga Sugayaa Shaleemooyinka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

*

Lost Password