Filimka ay isla soo Wadaan Shah Rukh khan Iyo Anushka Sharma oo Sameeyay Rs 100 crore Durba …. Sidee ku dhacday?

Filimka ay isla soo Wadaan Shah Rukh khan Iyo Anushka Sharma oo Sameeyay Rs 100 crore Durba …. Sidee ku dhacday?

Bollywood-ka Marka laga hadlayo Dhanka awoodda Waxaa aad Loogu Yaqaan Saddexda Khan, waxaana laga fishaa inay Filimaan Dhankasta Awood ku leh soo Saaraan.

Hadday soo saaran filim aan laga helin taas badelkeeda waxaa uga soo xarooda Malaayiin Lacaga intaysan boorsamiintadda soo baxin ka hor.

Tusaale ahaan, Shah Rukh Khan Filimka ay ku Weheliso Anusha Sharma durbadiiba wuxuu soo xareeyay Lacag dhan Rs100 crore. Sidee ku dhacday?
Khuburada Arimahan ku Xeelka dheer Waxay qabaan in xaquuqda Satellite-ka iyo qeybintiisaba gudaha iyo caalamka lagu iibiyay qiimo aad u sareeya oo gaaraya 100 crore iyo kabadanba.

Madaxa u qaabilsan NH Studioz arrimaha ganacsiga kuwaaso xuquuqda Filimka Leh ayaa wuxuu sheegay in Xuquuqda Satellite-ka iyo Qaybinta filimkaan dhanka wadamadda fog fog ay iyagu iibsadeen. Warbixinadda qaar waxey sheegayaan in heshiiska la gaarsiiyay ilaa Rs 125 crore!
Sidoo kale Filimkii Dilwale ee sanadkii hore soo baxay warbixinaddu waxay sheegayaan xuquuqda qeybinta filimka dilwale inay kaa heleen qollada filimka lacag gaareysa Rs 170 crore halka suuq geyntiisii India keliya ay ka heleen Rs 130 iyo Rs40 crore oo uga soo xarootay Suuqyadda caalamka. Ku darsoo Dilwale waxaa laga iibiyay Tiro badan oo xuquuqda qeybinta lahaa halka NH studioz ay keli ku tahay xuquuqda qeybinta iyo suuq geyntiisa filimka SRK iyo Anushka.

Waxaa xusid mudan SRK awoodiisa iyo mucjisaddiisa ay Ka caawisey Filimkaan inuu lacagta aadka u faraha badan sameeyo isagoon Xitaa Trailerkiisa uusan soo bixin, waana arin aan horey loogu arag Saaxadda Dhaqaalaha Bollywood-ka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

*

Lost Password