Filimka Jolly LLB 2 oo dakhli fiican soo xareeyey malinkiisi labaad

Jolly LLB 2

WATCH TRAILER
9.1

User Avg

Filimka Jolly LLB 2 oo dakhli fiican soo xareeyey malinkiisi labaad

Filimka Jolly LLB 2 oo dakhli fiican soo xareeyey malinkiisi labaad

Filimka Jolly LLB 2 ayaa ilaa malintii lasaaray shaneemooyinka soo xareynayey dakhli aad u wanaagsan marka loo eego kharshaadka asaga galay iyo waqtiga kubaxay jilistiisa.Filimka ayaa malintiisi ugu horeysay ee lasaaray shanemoyinka wa jumcihiye waxa uu soo xareyey dakhli dhan 13.20 crore waxaana badankood dawadayashi filimku sheegeen in ay aad iyo aad ula dhaceen sheekada filimka.

Daawo: Shucuurta iyo Afkaarta dawadayasha filimka Jolly LLB 2

Filimka ayaa malintisi sadexad saaran shanemoyinka India iyo qaar kamid ah kuwa caalamka waxa ayna websiteyada ka faalooda arimaha madadalada kuwooda ugu caansan sheegeen in sadaashada guuleed ee filimkaan ay malinba malinka ka danbeysa sii noqonayso mid aad u sahlan oo udhaw.Filmka ayaa shalay kasoo xareyey shanemoyinka India dakhli gaaraya 17.31 wuxuuna guud ahaan soo xareyey dakhli gaaraya 30.51 taas micnaheedu yahay asbuuciisa kowaad uu gaari doono qiyaasti ilaa 80 crore hadii uu sida uu kusoo bilawday kusocdo carqalad kalena uusan wajihin.

Dhinaca kale maanta oo Axad ah ayaa la filaya in ugu yaraan 19 crore iyo kabadan uusoo xareyo Jolly LLB 2 maadamaa oo ay tahay maalin fasax sidoo kalena inta badan aflaamtu ku xisabtaman,Maadama oo filimkani yahay mid si weyn hadal hayskiisu u batayna waxaa la badan macquulnimada ay dad badan usoo camiri karan shaneemoyinka si qeybtooda uga qaatan dawashada sheekada xamasada badan ee filimkan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

*

Lost Password