Ma Dhab Baa In Wali Salman Khan Uu La Socdo Lulia Vantur?

Ma Dhab Baa In Wali Salman Khan Uu La Socdo Lulia Vantur?

Muddo Dheer Dabadeed Oo Ay Xiriir Lahaayeen Xiddiga Wayn Ee Salman Khan Iyo Gabadha Reer Romania Ee Lulia Vantur Ayaa Waxaa Ayaamahanba Soo Baxayey Warar Sheegaya Inay Kala Hareen. Balse Wararkaas Oo Dhan Waxaa Beeniyay Sawir Instagramka La Soo Dhigay Caddaynna U Noqday Inay Salman Iyo Lulia Aysan Kala Harin Walina Ay Wada Jiraan. Arrinkaan Waxaa Shaaciyay Oo Sawirkana Bartiisa Soo Dhigay Aayush Sharma Oo Aad Uga Ag Dhow Lammaanahan. Sawirkaan Ayaa La Qaaday Mar Dalxiis Qoys Ay U Aadeen Maldives Dhammaan Qoyska Salman Oo Ay Ku Jirtay Lulia. Asagoona Sawirka Halku Dhig Uga Dhigay “Family that holidays together, stays together.”

Waxaa Jiray Sadaalin Faro Badan Oo Ku Salaysan Inay Kala Tagaan Salman Iyo Lulia Balse Waxaa Muuqata Wax Kastaa Inay Caadi Kusoo Laabteen Immika.

Ayaamahanba Salman Iyo Qoyskiisu Waxay U Dalxiis Tageen Maldives Asbbuucii La Soo Dhaafay Sidoo Kalena Ay Uga Soo Qayb Qaataan Xaflladda Dhalashada Aahil Sharma.
Waxaa Halkaas Ku Weheliyay Salman Arbaaz Khan, Malaika Arora Khan Iyo Lulia Vantur Oo Ah Salman Sxbtiis.
Tani Maaha Wax La Yaab Leh Waayo Hore Ayay Lulia Uga Soo Qayb Qaadan Jirtay Kulanka Qoyska Salman.

Sawirka

Family that holidays together, stays together

A post shared by Aayush Sharma (@aaysharma) on


Markaan Usoo Laabanno Xiriirka Salman Iyo Lulia Waxay Wada Socdeen Labo Sano.
Sannadkii Hore Waxaa Soo Baxay Warar Sheegaya Inay Wada Aqal Gali Doonaan Xiriirkooduna Aad Buu U Sii Xoogaysanayey Marbba Ma Marka Ka Dambbeeya.
Intaa Kaddib Waxaa Soo Baxay Warar Sheegaya Inay Isku Dheceen Lammaanahani Kala Harnna Qarka U Saaran Yihiin Laakiin Ugu Dambbayn Waxay U Muuqataa In La Xalliyay Arrimahaas

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

*

Lost Password