Ma Laga Yaabaa In Varun Dhawan Filmkiisa Badrinath Ki Dulhania Uu Garaaco Filmka Akshey Kumar Ee Jolly LLB 2?

Ma Laga Yaabaa In Varun Dhawan Filmkiisa Badrinath Ki Dulhania Uu Garaaco Filmka Akshey Kumar Ee Jolly LLB 2?

Filmkii Cusbbaa Ee Varun Dhawan Ee Badrinath Ki Dulhania Ayaa Dar Dar Xoog Leh Ku Dhex Cararaya Box Officeka.
Daawashadiisii Waxaa Soo Xaadiray Dad Badan Oo Aad U Xiisaynayey Filmka Iyo Daawashadiisa Ee Dacallada Caalamka, Qaarkoodna Ay Mar Wax Ka Badan usoo daawasha tageen .

Waxaa Mahad Leh Dhammaan Dadkii Ka Qayb Qaatay Haddana Filmku Wuxuu Cago Cagaynayaa Rs 112.13 Crore. Taas Waxaa Kaloo La Oran Karaa Wax Yar Ayaaba Uga Hartay Inuu Cuno Filmkii Akshey Kumar Ee Jolly LLB 2 Dhibcihiisii Box Officeka. Waxaa Wali Socota Lacagihii Uu Soo Xaraynayey Badrinath Hadduu Sidaa Ku Sii Socdana Filmka Akshey Buud Baa Lala Dul Marayaa.

Filmka Akshey Kumar Ee Jolly LLB 2 Wuxuu Soo Baxay Febarwary 10keedii. Si Tartiib Tartiiba Ayuu Ugu Guulaystay Inuu Noqdo Filmkiisii Afaraad Ee Gaara Rs 100 Crore Kaddib Housefull 3, Airlift Iyo Rustom. Akshey Kumar Ayaa Ayaantan Dambbe Guulihiisu Is Daba Joog Noqdeen Asagoo Sannadkiiba Soo Saara Dhawr Film Ugu Yaraan Labo Ama Saddex Film Badanaa.

Badrinath Ki Dulhania Ayaa Ku Guulaystay Asbbuucii U Horreeyay Inuu Soo Xareeyo Dakhli Wanaagsan. Dadku Aad Ayey Wali U Daawanayaan Filmka Saadaashuna Waa Inuu Qiimo Wanaagsan Ku Soo Af Go’i Doono.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

*

Lost Password