Priyanka Chopra Oo Garaacday Angelina Jolie Noqotay Haweenayda labaad ee ugu qurux badan sanadkan

Priyanka Chopra Oo Garaacday Angelina Jolie Noqotay Haweenayda labaad ee ugu qurux badan sanadkan

Priyanka Chopra Ayaa La Shaaciyay Inay Tahay Ama Gashay Booska Labaad Ee Gabadha Ugu Quruxda Badan Sannadkan 2017. Ma Jiraan Wax U Diidaya Xidigadaan Inay Guulaheedu Iska Soo Daba Dhacaan. Qiimaynta La Sameeyay Waxaa Liiska Ku Jira Oo PC Weheliya Dad Caan Ka Ah Dunida Sida Michele Obama, Manuela Arcuri, Blake Lively, Angelina Jolie, Gigi Hadid, Margot Robbie Iyo Qaar Kaloo Badan. Bal Suurayso Xaaladdaas Tartan Ee Ay Galeen Habllahaasi Ayna PC Boos Ka Heshay Quluubta Dadka Reer Galbbeedkaa. Qiimayntaan Oo Sannad Kasta Ay Sameeyaan Buzznet Ayaa Sannadkan Laysugu Keenay 30 Xiddigood Oo Haween Ah Laguna Tartan Siiyay Kaalmmaha Hore. PC Waxay Heshay Codad Aad U Faro Badan Taasoo U Saamaxday Inay War-war Li’i Ugu Fariisato Booska Labaad.

PC Waxay Sidoo Kale Cagta Marisay Xiidigaddii Ku Wehelisay Filmkeeda Baywatch Ee Alexandra Daddario Taasoo Gashay Kaalinta Tobnnaad. Halkaas Waxaa Ka Cad Heerka Ay Gaarsiisan Tahay Taageerada PC Ee Galbbeedka.
Qoraal Ayey Twitter ka Kusoo Daabacday Si Ay Ugu Mahad Celiso Taageerayaasheedu Codkay Siiyeen Una Hambbalyaysay Gabadhii Ka Sarraysay Ee Kaalinta Koowaad Gashay Queen Bay.


Hollywoodku Aad Ayey Ula Dhacsan Yihiin PC Iyo Dadaalkeeda Aan Gabashada Lahayn Kartiduna U Dheer Tahay Ayadoo Hantiday Quluubta Dad Aad U Faro Badan. Immika Waxaa La Filayaa In Lagu Arko Xagaagaan Filmkeeda Baywatch Oo Aad Loo Xiisaynayo.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

*

Lost Password