+ Video : Maxaad Ka Taqaan Wuxuu Xambaarsan Yahay Filmka Ay Soo Wadaan Perineeti Chopra Iyo Ayshmann Khurrana?

+ Video : Maxaad Ka Taqaan Wuxuu Xambaarsan Yahay Filmka Ay Soo Wadaan Perineeti Chopra Iyo Ayshmann Khurrana?

Meeri Pyaari Bindu Magaciisa Markaad Aragto Laga Yaabee Inaad Is Tiraahdo Waa Film Maadays Ah Ama Qosol Laakiin Sida Xayeysiiska Laga Arkayey Waa Film Qiso Jacayl Oo Baaxad Wayn Wata. Waxaa Xayeysiiska Aad Soo Jiidasho U Lahaa Hadallada Dareenka Leh Ee Ayshmann Uu Tuuranayey Kuwaasoo Si Dhaba Kuu Jeclaysiinaya Hab Dhaca Filmka.

Filmkani Waa Mid Waxyaalo Badan Kaga Gaddisan Filmaantii Hore Ee Ayushmann Wuxuuna Ku Xusuusinayaa Filmkii Dum Laga Ke Haisha Iyo Waayadii Cajiladaha Kaaseedku Ay Dahabka Ahaayeen Oo Ayagun La Daawan Jiray. Xayeysiiska Filmku Sida Caadadaa Waa Dhawr Daqiiqo Balse Meelo Badan Oo Filmka Ah Isla Markaana Muhiima Ayuu Faraha Galinayaa Si Xiisaha Filmka Loo Tuso Dadwaynaha Danaynaya.

Runtii Filmku Wuxuu U Muuqdaa Mid Xiisahiisa Aan Laba Sugi Karayn. Waxaa Xusid Mudan In Filmka Ay Ka Heesi Doonto Perineeti Chopra Ayadoo Ay Tahay Markii U Horraysee Ay Heesto Balse Codkeedu Innaba Caadi Maahayn. Waxaaba La Oran Karaa Waa Xiddigadda Dhanka Jilayaasha Soo Heesay Ugu Codka Wanaagsan Oo Xulkaa. Labadan Xiddigood Oo Ay Tahay Markii U Horraysoo Ay Wada Shaqeeyaanna Waa Xiiso Kaloo Dheeriya.

Halkaan Ka Daawo  Teaser-ka

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

*

Lost Password